Shariif Xasan & Guuleed oo soo jeediyay in la laalo aqalka sare & Gaas oo ku hanjabay…

madashaMagaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shirka Madasha Qaran ee Madaxda dowladda Federalka Somalia iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Arinta ugu weyn ee laysku hayo ayaa ah dhismaha aqalka sare, kadib markii ay dood culus ka dhalatay xubnaha laga soo jaray Somaliland iyo tirada laga siinayo Gobolka Banaadir.

Is qabqabsiga dheeraaday ee qaabka qeybsiga xubnaha aqalka sare, ayaa keentay in hogaamiyaasha madasha qaarkood soo jeediyaan in la laalo aqalka sare, oo doowlada soo socota ay ku dhisnaato hal aqal oo Baarlamaan, waxaana arintaas si weyn uga biyo diiday madaxweynaha maamulka Puntland C/.weli Gaas.

Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug shariif Xasan iyo Cabdikariim Guuleed, ayaa taageersan in aqalka sare la laalo taasoo sii xoojisay is mari waaga madasha, waxaana taas badalkeeda C/weli Gaas laga dalbaday inuu ka tanaasulo xubnaha 3-da ahaa shirkii hore loo kordhiyay islamarkaasna xubnaha cusub loogu daro Gobolka Banaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here