Shariif Xasan “Dadka ku dhaqan Baay iyo Bakool waa inay sameystaan Maamul Goboleed”

sakiinXildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu dadka degga Gobolada Baay iyo Bakool, uu ugu baaqay in ay sameystaan Maamul Goboleed, ay ku mideysan yihiin.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu tilmaamay in dalka uu qaatay Nidaamka Federalka, Federalna uu noqon karo laba Gobol iyo wixii ka badan.

Shariif Xasan, oo la hadlaayay kulan uu Magaalada Baydhabo uu kula qaatay Odayaasha iyo qaybaha bulshada, ayaa wuxuu sheegay in dadka Baay iyo Bakool, looga baahan yahay in ay ku da’sadaan dadka sameystay Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyay in muddo ka yar 30 maalmood ay ku soo sameystaan Maamul Goboleed, si uu wax kaga qabto baahida ka jirta deegaanka.

Si kastaba ha-ahaatee Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu xusul duub ugu jiraa in uu noqdo Madaxa Maamulka Goboleedka Koonfureed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here