Shariif Xasan & Axmed Madoobe oo uu shir uga furmay Muqdisho

Madoobe IYo Shariif xasan oo Muqdisho shir uga furmay
Madoobe IYo Shariif xasan oo Muqdisho shir uga furmay

Wasiirka 1-aad ee  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir uu ku dhex dhexaadinayo Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa saaka u soo gaaray magaalada Muqdisho wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa garwadeen ka ahaa shirkan, iyadoo lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11-ka bishan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka qeyb galo shirka Kismaayo, kadib markii Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageeray Maamulka Bakool Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here