Shariif Shiikhunaa oo Jawaab Kulul ka Bixiyay Eed loo Jeediyay Ciidanka Booliiska

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekunaa Maya oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga warbixiyay eed loo jeediyay ciidanka Booliiska ka dib fal kufsi ah oo la sheegay in askar ka tirsan ciidanka Booliiska ay u geesteen haweenay kamid aheyd Barakacayaasha ku sugan fagaaraha tarabuunka.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in guddi ku howlanaa baaritaanada ku aadan falkaasi ciidanka lagu eedeeeyay uu usoo idlaaday isaga oo sheegay inay waayeen waxyaabaha cadeynaya kufsiga ciidanka lagu eedeeyay.

Waxaa kaloo uu sheegay Taliyaha in Falkaasi uu soo abaabulay Wariye Koronto oo xiran iyo dad kale oo isaga la socday kuwaa oo maxkamad la geyndoono, waxaana uu xusay in hada wixii ka dambeeya kiiska arintani ay ugudbin doonaan xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Kiiska kufsiga ee ciidanka Booliiska lagu eedeeyay ayuu sheegay taliyaha inay wax ka weydiiyeen haweenaydii la sheegay in la kufsaday balse sida uu sheegay ay u soo baxday baaritaano kadib in arintaasi oo dhan ay aheyd mid laga soo shaqeeyey oo been abuur ah waxaana hadalka taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu kusoo aadayaa iyada oo madaxda ugu sareysa dalka horay ay u sheegeen in askarigii fal kufsi ah lagu qabtaa lagu xukumi doono dil toogasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here