Shariif Sh.Axmed oo Maanta Ugandha u Ambabaxay

Waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhofay Madxweynhii hore ee dalka Somaaliya Shariif Sheekh Axmed isaga iyo qaar kamid ah eheladiisa.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii sagootiyay Shariif Sheekh Axmed Xildhibaano ka tirsan baarlamankii KMG ahaa.

Sharif Sheekh Axmed ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliye qaar kamid ah eheladiisa iyo sidoo kale qoyskiisa kuwaasi oo dhamaantood uracay dalak Uganadha Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Shariif iyo qoyskiisa ay magangalyo siyaasdaeed ka heleen Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo ugu yaboohay deegaan, markii uu si xor ah u wareejiyay xilka madaxtinimada Soomaaliya.

17-bishii September ayeey aheyd markii Shariif Sheek Axmed uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ilaa iyo markaasina Shariif Sheekh Axmed ma’uusan kabixin Dalka oo Magaalada Muqdisho ayuu ku sugnaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here