Madaxweynaha Iyo Mahiga Oo Isku Qilaafay Qaabka Xulista Xildhibaanada Cusub

Waxaa kulan qaas ah wada yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif iyo ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga iyagoo ka wada hadlay arinta xulista baarlamaanka cusub iyadoo kulankaas uu ku soo dhamaaday is afgaran waa soo kala dhex galay labada masuul.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska Mahiga iyagoo ka wada hadlay arinta soo xulista baarlamaanka iyagoo ugu danbeyntii isku af garan waayay.

Shariif oo Odayaasha ka codsaday in dib loogu noqdo liiska soo xulitaanka xildhibaanada , Mahiiga oo isna sheegay in aan dib loogu noqon karin waxuuna sheegay in 225 xildhibaan ey xaadir yihiin.

Intaasi kadib ayaa waxaa kulanka gebi ahaanba isaga baxay Madaxweyne Shariif oo dib ugu laabtay xafiiska uu ku leeyahya Villa Soomaaliya.

Arrintaan maanta dhacday ayaa banaanka soo dhigtay khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta iyo sida uu Madaxweyne Sh. Shariif uu u diidan yahay qaabka wax u socdaan.

Dad u dhuun daloola arrimahaan ayaa sheegay in xubnaha Baarlamaanka cusub aysan ku badnayn taageerayaasha Madaxweyne Shariif taasina ay keentay in uu codsado in lagu soo daro xildhibanadii laga reebay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here