Sharif Xasan: “Walaalkeen C/laahi Yusuf Axmed isaga oo xanuunsan ayaan ku booqday Dubai ee aan iska cafino”

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sharif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in uu magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kusoo arkay madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed oo xanuunsan.

Shariifka oo wariyaasha kula hadlay garoondka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho waxyar kadib marki uu soo dagay ayaa sheegay in uu booqday isbitaal lagu daweynayo iminkaC/laahi Yusuf isla markaana uu soo eegay xaaladiisa.

“Waxaan magaalada Dubai  ku booqday madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed, runti Mr Yusuf waxa lagu daweynayaa iminka isbitaal ku yaala halkaasi xaaladiisana way wanaagsaneyd, waxan aan ka codsaday inuu iska cafiyo inti uu wax u qabo anagana runti xageen cafis ayuu ka yahay,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay qilaafka baarlamaanka iyo habka lagu soo xuli doono mudanayaasha xildhibaanada dowlada soo aadan ee Soomaaliya.

Shariifka ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee soo aadan ay soo xuli doonaan qabaa,ilka Soomaalida si ay meesha uu meesha uga baxo in dad gaar ah ay wataan xulitaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.