Sharif Xasan: Sheekh Shariif wuu guuleysanayaa anigana codkeyga waan siiyey”

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku guuleysan doono doorashada beri ka dhici doonto dalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laba jeer soo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal uu ka jeediyey kulan maanta ilaa caawa fiidki ka socday Hotel City Palace ee degmada C/casiis isla markaana lagu taageeray Sheekh Shariif ayaa ka hadlay mudadi dheereyd ee ay isla soo shaqeeyeen.

Wuxuu sheegay in ay saaxib ku noqdeen marna ku kala tageen siyaasada dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa Soomaaliya, laakin waxa uu qiray in mudo badan ay is jilaafeen hase yeeshee aysan isku fogaan.

“Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa, Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.” ayuu yiri.

Isaga oo balan qaadaya taageerada uu u hayo madaxweyne Shariif ayuu sheegay in uu guuleysan doono Shariifka isagana uu codkiisa siiyey.

“Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri.

Kulanki maanta oo ay sidoo kale ka hadleen, Ra’isulwasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, Xildhibaan Mustafa Dhuxuloow iyo siyaasiyiin kale ayaa dhamaan la isku raacay in si weyn beri codka loogu shubo madaxweyne Shariif.

1 COMMENT

  1. ARRINTAAN MA AHAN MID KU CUSUB MASKAXDA SIYAASIYIINTA SOMALIYED OO HOREY U KASHIFEY SHAXDA SIYAASADEED OO AY DEGSADEEN LABA XARIIF OO AHAYD:

    1) INEY SI CAD U SOO MAGACAWDAAN DHAQAN BUG AH IYO XILDHIBAANO IYAGA CODKA SIIN DOONO.

    2) IN AY MAJEERTEEN KA SAARAAN TARTANKA JAGADA MADAXWEYNE SIDAASNA KU SOO SAARAAN MR GALEYR JAGADA GUDDOMIYAHA BAARLAMAANKA MAXAA YEELEY XARIIF XASSAN INUUSAN KA GADMEYNIN BAARLAMAANKA AYEY OGAAYEEN IYO SIDA LOOGA NACEY JAGADAAS.

    3) QORSHAHOODA WUXUU KU SALEYSNAA IN CALI KHALIIF GUDDOOMIYE BAARLAMAAN QAATO, SHEIKH SHARIIFNA MADAXWEYNE, XARIIF SAKIINA RA;IISUK WASAARE, SHAXDAAS WEY FASHILANTEY.

    4) TAN HADDA WAA INEY SI CADAAN AH U CIYAARAAN OO AH ILLAA WA ILLAA INU SHARIIF AXMED KU SOO BAXO MADAXWEYNE KA DIBNA U MAGAWAABO RA’IISUL WASAARE NIN UU WATO XARIIF SAKIIN, IYO INUU SAKIIN SOO QORTO WASIIRADA D&M ISAGANA JAGO WEYN KA QAATO.

    5) HADDII SHAXDAAN DAMBEY AY KU GUULEYSTAAN ILAAHEEY HAKA DIIDEE, WAXAAN SHAKKI KU JIRIN IN MR JAWAARI UU NOQONAAYO WANKII UDXIYADA CAARAFADA AY U QALAN LAHAAYEEN, WAXEYNA BEDDELI DOONAAN ISAGOO AAN XITTA HAL SANO NAYNIN JAGADAAS XITTAA HADDII AY KA TAKHALLUSI LAHAAYEEN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here