Sharif Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhaweyd ka dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga oo gaarayey ku dhawaad 50 xubnood, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey xildhibaano horay u joogay Baydhabo oo uu ugu weynaa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo madaxda maamulada Bay iyo Bakool.

Waxa uu kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada iyo xildhibaanada madaxtooyadi uu Baydhabo ka daganaan jiray madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed.

Sarkaalka hogaaminaya ciidamada dowlada Itoobiya ayaa sheegay in Al Shabaab ay wali joogaan meel 40 km u jirto Baydhabo, waxaana uu ka codsaday shacabka reer Baydhabo in ay gacan ku siiyaan la dagaalida Shabaab.

Afhayeenka baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa ku sheegay ujeedada safarkooda inuu yahay in laga sameeyo gobolada Bay iyo Bakool maamul ay shacabka raali ka yihiin.

Waxa kale oo uu Shariifka amaanay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya dadaalka ay ugu jiraan amaanka magaalada Muqdisho.

Waa mas,uulki ugu sareeyey ee ka socda dowlada KMG Soomaaliya oo gaara magaalada Baydhabo tan iyo marki ay dowlada la wareegtay, horay waxaa u tagay wasiirka difaaca Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.