Sharif Xasan oo lagu eedeyey kala qeybinta shaqaalaha baarlamaanka

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey gudoomiye Sharif Xasan Sheekh Aadan inuu hab qabyaaladeed u kala qeybinayo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska baarlamanka.

Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee sida aadka ah ugu kacsan Shariif Xasan isla markaana hormuud ka ahaa olilihi ay xildhibaanada qaar xilka uga qaadeen ayaa sheegay in hada uu wado Sharif Xasan eex iyo kala qeybin shaqaalaha ah oo la xiriirta dhanka mushaaraadka.

Mr Seeko oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay soo gaartay ashtako kaga timid shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada baarlamaanka kuwaasi oo ka cabanaya in qaarkood uu u diiday mushaaraadka isaga oo uga aargudanaya in ay la safanyihiin kooxda uu gudoomiyaha u yahay Madoobe Nuunoow.

Wuxuu arrintaasi eedeynteeda dusha uga tuuray Ra’iisulwasaare C/wali Maxamed Cali oo uu ku sheegay in uu siiyey lacagti miisaaniyada xafiiska baarlamaanka taasi oo la rabay buu yiri in la siiyo gudoomiye Madoobe Nuunoow.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha baarlamaanka oo ku saabsan eedeynta ay usoo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

3 COMMENTS

  1. ilaaheyu nabigiisa wuxuu yiri caleeyhi salaatu wasalaam
    (INNA LIKULLI UMMATIN FITNA WA FITNATA UMMATII AL MAALU.)
    SHARTIF XASSAN NA HA OGAADO
    ALMAALU WAL BANUUN ZIINATAL XAYAATU DUNYAA WAL BAAQIYAATU SAALIXAAT KHERUN CINA RABBIKA THAWAAB.

  2. salaamun calaa manit tabacal hudaa.
    walaala yaal waxaan idinka codsanayaa, inaad ummadan dhibaateeysan loo naxriisto,lagana daayo, siyaasada hal jeclo,iyo maal raadsasho, sida digil; iyo mirifle hamigoodu yahay,ogaada in ummadiina aay dhibaateeysantahay
    dhibka ugu badan wuxuu heeystaa reer bay iyo bakool, hadaba u tanaasula mid adinka idinka mid ah,daayana eexashada iyo naceeybka, noqda qori iyo diirkeed.
    shariif xassan, ha ogaado inuu ahaa raisal baarlamaan mudo farabadan
    marka kursiga ha faarujiyo

  3. Waxaan idin xusuusin lahaa dhamaantiin
    Digit io mirifle,raxawayn In ay ka gudubtay waqtigii siyaasadeeda Hal albaab oo laga soo galo ay lahayd
    Waxaan xusuustaa in alle ha u naxariistee zoobe uu aha furaha laga soo galo siyaasadeeda digit mirifle xukuumadii na soo martay ee kacaanka,waxaan filaayay in waxaan laga gudbay,waxaan dhiirigalinayaa in An halsiyaasi loo dabafariisan siyaasadeeda raxawayn furaha uusan noqon nalagasoogalo “………..

Comments are closed.