Shaqaaqooyin ciidanka dowlada ku dhexmaray degmooyinka Yaaqsiid iyo Dharkeenleey

Iska hor imaadyo qasaaro sababay ayaa maanta ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya qeybo ka mid ah Muqdisho.

Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaartay marki ciidamo ka tirsan dowlada ay iskula dhaceen meel u dhaw isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Lama oga waxa sababay shaqaaqadaasi, hase yeeshee daqiiqado kadib ayaa waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada oo kala dhexgalay labada dhinac, iyadoo aanan wali wax war ahi kasoo bixin taliska ciidanka booliska oo arintaasi ku saabsan.

Dhanka kalana laba ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ahi ahaa rayid wadada marayey ah iyo askari ka tirsan ciidanka dowlada, marki ay ciidamo ku sugnaa xaafada Tababakaayo Madow ee degmada Dharkeenley is rasaaseeyeen.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenleey oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa ku tilmaamay mid markiba la xaliyey.
“Dhib weyn ma jirin askari amar diido sameeyey ayaa la rabay in la qabto waxaana rasaas uu furay ku dhaawacmay nin oday ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay askari kale waana la qabtay hadana wuu xiranyahay.” ayuu yiri Macalin Cabdulle.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Iska hor imaadyada dhexmara ciidanka dowlada ayaa ah kuwo kusoo noq noqday magaalada Muqdisho.