Shaqaalo ka tirsan hey’ada WFP oo lagu dilay degmada Matabaan

War goor dhaweyd naga soo gaaray gobolka Galguduud ayaa sheegaya maanta lagu laayey halkaasi shaqaalo ka tirsan WFP.

Nin hubeysan ayaa rasaas ooda uga qaaday gaari ay la socdeen shaqaalo ka tirsan WFP kuwaasi oo marayey gudaha degmada Matabaan, waxaana rasaastaasi ku geeriyootay sadex sarkaal.

Wariyaasha ku sugan Galguduud ayaa soo sheegaya in ay dhinteen Muxyidiin Macalin Yaroow iyo Maxamed Salaad oo ahaa kormeerayaal WFP ugu qaabilsanaa qiimeynta shaqooyinka ay ka fuliso degmada Matabaan.

Qofka sadexaad ayaa lagu sheegay C/laahi Cali oo ahaa mas,uul ka tirsan hey’ad NGO maxali ah oo iskaashi la leh WFP.

Ma jirin cid kale oo ku dhawaacantay waxaana ka badbaaday dad kale oo la saarnaa baabuurka la weeraray.

Gudoomiyaha Dagamada Matabaan ee maamulka Ahlu Sunna, C/raxmaan Sheekeeye ayaa ku tilmaamay fal naxdin leh, isaga oo balan qaaday in ay cadaalada horkeeni doonaan ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka helnay Galguduud ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay ninki weerarka geystay kaasi oo hada lagu hayo saldhiga degmada Guriceel.

Dagamada Matabaan ayaa ka tirsan gobolka Hiiraan, hase yeeshee waxaa maamulo Ahlu Sunnada Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.