Shaqaalo ajnabi ah oo Soomaaliya lagu afduubtay

Laba ruux oo Kenyan ah iyo dhaqtar Soomaali ah ayaa shalay gelinki danbe lagu afduubtay deegaan u dhaw magaalada Gaalkacyo kadib marki ay weerar ku qaadeen koox burcad badeed ah.

Weerarka ayaa ka dhacay meel kala qeybisa maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka wada taliya magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhaawacyo culus ay soo gaareen madaxi hey’ada ay u shaqeynayeen iyo darawalki gaadiidka.

Afduubka ragaan ajnabiga ah iyo dhaqtarka Soomaaliga ah waxaa xaqiijiyey sarkaal ka tirsan booliska magaalada  Gaalkacyo Adan Warsame kaasi oo intaasi raaciyey in afduubka uu ka dhacay deegaanka Baadweyn oo 50-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada.

Sidoo kale dadka ay dhaawaceen burcad badeedka ayaa waxaa ka mid ah laba askari oo ka mid ahaa waardiyaashii shaqaalaha gargaarka.

Kuwa la afduubay iyo kuwa la dhaawacay ayaa u wada shaqeynayey hey’ad gargaar oo laga leeyahay dalka Sweden oo lagu magacaabo International Aid Services (IAS).

Afduubka shaqaalahan ajnabiga ah ayaa kusoo beegmay todobaad kadib marki ay ciidamada dowlada xoog kusoo furteen afar shaqaalo oo ajnabi ah oo laga soo qafaalay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here