Shaqaalihi laga soo afduubay xerada Dhadhaab oo wali la la,yahay

Milatariga iyo booliska Kenya ayaa baadi goob ugu jiro tan iyo Jimcihi shaqaalo samafal oo ay kooxo hubeysan kasoo afduubteen xeryahaha Dhadhaab ee xadka Somalia iyo Kenya.

Sabtidi shalay aheyd, sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in shaqaalahan ajnabiga ah oo afar ruux ka kooban ay suura gal tahay in loo kaxeystay gudaha dalka Soomaaliya taasi oo qatar gelin karta naftooda.

Philip Ndolo, oo ah sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in marki hore qurshuhu ahaa in ciidamo boolis ah la daba dhigo saraakiishaan ka tirsanaa hey’ada Norwegian Refugee Council, laakin ay iyagu go,aansadeen in ay safraan ciidan la,aan.

Xoghayaha guud ee Norwegian Refugee Council Elisabeth Rasmusson ayaa xaadir ku aheyd goobta marki uu afduubka dhacayey hase yeeshee wax dhibaata ah meysan gaarin, amaba ma aysan galin kuwa la afduubtay.

Rasmusson waxay sheegtay in afduubka uu ka dhacay wadada weyn ee aada deegaanka Dhadhaab halkaas oo loo heysto in ay ka mid tahay meelaha amaanka ah ee xerada Dhadhaab.

Afduubka waxaa fuliyey afar nin oo ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo marki danbana hal gaari ku qaatay shaqaalaha.

Kadib weerar afduub ah oo loogu geystay Dhadhaab laba haween ah oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hey’ada MSF Spain oo wali la la,yahay ayaa hey’ado badan oo ka shaqeeya arimaha gargaarka waxay adeegsanayeen ciidamo amaankooda suga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.