Shaqaale Turkish ah oo Muqdisho lagu dilay

Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Barqanimadii maanta ayaa kooxo hubeysan oo wata Gaari Kaarib, ayaa shaqaale rayid ah oo u shaqeeynayay Turkiga ku dilay xaafada Ceel-qalaw ee Degmada wadajir.

Shaqaalaha la dilay oo 2 ruux ahaa, ayaa mid waxa uu u dhashay Turkiga halka kan kalena uu Soomaali ahaa.

Goobjoogayaal ayaa Midnimo.com u sheegay, in kooxaha hubeysan ay Rasaas ku fureen Gaari ay wateen shaqaalaha, iyadoona isla goobta uu ku dhintay muwaadinka u dhashay Turkiga.

Falkaan lagu dilay shaqaalaha Turkiga, ayaa qeyb ka ah amaan xumada maalmahan kusoo kordheysay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here