Shaqaale Turki ah oo lagu dilay Muqdisho

Shaqaale gargaar oo lagu dilay Muqdisho
Inta la ogyahay labo qof oo ah shaqaalaha gargaarka una dhashay dalka Turkiga ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday gaari ay la socdeen Hotel Peace oo ku yaalla wadadda aada garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegay in baabuur uu watay nin ismiidaamiyay uu weerar ku qaaday baabuur Bas ah oo ay la socdeen shaqaalaha Turkiga ah ee ka shaqeeya gargaarka.

Waar markii ugu horreysay oo shaqaale Turkish ah oo ka shaqeeya howlaha gargaarka lagu dilo magaalada Muqdisho tan iyo markii ay yimaadeen magaalada dabayaaqadii sannadkii 2011-ka.

Waxaa kaloo qaraxaas ku dhintay labo qof oo kale oo ay ku jirto haweeney shacab ah oo ka agdhaweyd halka uu qaraxa ka dhacay.

Ugu yaraan 20-qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho dad kor u dhaafaya ilaa 50- waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira Prof: Maxamed Maxamuud Afarax, iyo Dr. Cabdikariin Gordo, waxa ay ahaayeen qareenadii u dooddaayay, wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto, iyo haweeneydii sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda.

Waxaa sheegatay qaraxyada ka dhacay Muqdisho, ururka Al-Shabaab, war ay soo galiyeen barta ay ku lee yihiin Tweeter-ka ayey ku sheegeen in qaraxii ka dhacay maxkamadda gobalka Banaadiir.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas ay fuliyeen ilaa shan qof, kuwaasoo dilay saraakiil ciidan, iyo garsoorayaal iyo rag ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoon.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareesay weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waa qaraxyadii ugu xumaa ee ka dhacay Muqdisho, tan iyo bishii August ee sannadkii 2011-kam markaas oo Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here