shaqaale katirsan Garoonka & shaqsiyaad loo xiray qaraxii Daallo

Diyaarada Daallo Airlines
Diyaarada Daallo Airlines

Wararka ku saabsan qaraxii Diyaarada Daallo, ayaa isa soo taraya iyadoo wararkii ugu dambeeyayna ay sheegayaan in Doowlada Soomaaliya ay qaraxaas u xirtay shaqaale ka tirsan Garoonka iyo shaqsiyaad kale oo lala xiriirinayo ineey ku lug lahaayeen falkaas.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ilaa 20 ruux loo xiray falkaas, kuwaasoo isugu jira shaqaale katirsan Garoonka iyo qaar kamid ah rakaabkii saarnaa Diyaarada.

Afhayeenka Doowlada Cabdisalaan Caato, ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan 2 nin oo shaqaalaha garoonka dharkooda sita, kuwaasoo Laptob u dhiibaya ninkii is-qarxin rabay ee Diyaarada ka dhacay ee magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Cabdisalaan Boorle.

Sidoo kale dadka la xiray waxaa kamid ah shaqaale ka tirsan shirkada Diyaaradaha Daallo sida uu sheegay sarkaal katirsan Nabadsugida.

Hadda goor dhaweeyd waxaa la qabtay Darawal ka tirsan darawaladda Hotel Jazeera Mogadishu .ninkaas ayaana mudadii uu Xamar joogay gaarigga ku waday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here