Shaqaale ka tirsan QM oo lagu dhaawacay xagardheer

Kenya calls for speedy repatriation of Somali refugees
Shaqaale ka tirsan QM oo lagu weeraray xagardheer

Wararka naga soo gaaraya xeryaha qoxootiga dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dhaawacay mid kamid ah shaqaalaha hay’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR.

Kooxda hubeysan ayaa saakay weerar ku qaaday xerada qaxootiga ee Xagardheer waxaana ay dhaceen gaari ay lahayd Hay’adu sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ku xigeenka hay’ada UNHCR ee Kenya Abel Mbilinyi ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday shaqaalaha Hay’adu uu dhacay abaarihii 8.30 subaxnimo shaqaalihii dhaawacmayna loo duuliyay Nairobi.

‘‘Mid kamid ah shaqaalahaanaga ayaa xabad lagu dhuftay laakiin majirto cid shaqaalaha kamid ah oo la afduubtay,’’ ayuu yiri sarkaalku.

Ugu danbeyn, wuxuu sheegay in baabuurkii dableydu dhaceen laga soo helay meel 40km ujirta goobtii weerarku ka dhacay.

Wali majirto cid sheegatay weerarkan lagu qaaday shaqaalaha hey’ada UNHCR .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here