Shaqaalaha garoomada koobka adduunka oo shaqo joojin ku dhaqaaqaya

350810_heroa

Sida ay sheegeen wariyaasha dalka Brazil waxaa dumay dhismo kale oo ka mid ah garoomada kubadda cagta ee lagu qabanaayo cayaaraha kubadda cagta adduunka.

Haddaba waxaa soo baxay warar sheegaya in urur ay lee yihiin shaqaalaha dhismooyinka garoomada ay qaban qaabinayaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dhimashada shaqaalaha.

Shaqaalihii labaad ayaa dhintay maalintii shaley kaddib markii uu ku soo dhacay dhismo ka mid ah kuwa lagu qabanaayo garoomada cayaaraha kubadda cagta adduunka.

Ururada shaqaalaha waxa ay lee yihiin haddii aan nala siin qalab aan isaga difaano wax yaabaha khatarta waxaan ku dhaqaaqi doonaa shaqo joojin.

“Waxaa socda qorshe shaqo joojin guud maxaa yeelay majirto qof sidan sii arki kara, dowladdu waxbo kama qabaneyso arrintan,” Sidaas waxaa yiri madaxa urur ay lee yihiin shaqaalaha dalka Brazil Cicero Custodio oo la hadlay Globoesporte.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in la dadajin doono dhismaha garoomada maadama tartanka kubadda cagta adduunka uu dhacayo bisha  June sannadka 2014 iyadoo dadka ku dhimanaya dhismaha ay kordhayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here