Shan ruux oo xalay lagu dilay Muqdisho

Afar ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaasi oo laba ka mid ah ay ahaayeen kooxo bambo tuurayey.

Dilalki ugu badnaa xalay waxay ka dhaceen degmada Dharkeenleey kadib marki hal goob ay ku dhinteen askari ka tirsan ciidanka dowlada iyo laba nin oo ka mid ah kooxaha bambooyinka tuura habeenkii.

Sida ay goob joogayaal sheegeen ciidamo roonde ahaa oo marayey meel u dhaw Saldhiga degmada Dharkeenleey ayaa waxa bambooyin ku tuuray sadex wiil oo dhalinyara ah, sidoo kale isla goobta waxaa lagu dilay laba ka mid ah sadexdaasi ruux ee weerarka ku qaaday askarta sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Dharkeenleey macalin Cabdulle Cali Hilowle.

“Waxaa xalay ka dhacay degmada, Ciidamada oo howlgal ku jira ayaa sadex dhalinyara ah oo nimanka nabad diidka ah soo weeraray waxay ku tuureen bam kadib hal askari ayaa ku dhintay, ciidankina waxay dileen laba ka mid ah sadexdi.” ayuu yiri Macalin Cabdulle.

Dhanka kalana rag hubeysan ayaa wiil dhalinyara ah oo lagu sheegay inuu ahaa dadka xiiseeya ciyaaraha kubada cakta ku toogtay xaafada Buula Xuubeey , sidoo kalana nin oday ahaa ayaa isna lagu dilay degmada Shibis.

Dilalka qorsheysan ayaa ahaa kuwi kusoo badanayey magaalada Muqdisho maalmihi iyo habeenadi lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.