Shan ruux oo lagu dilay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in maanta howlgalo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka ka sameeyeen xaafada Buundaweyn ay ku dileen ilaa iyo shan dhalinyara ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay ciidamada dowlada weerar ku qaadeen guri ay dadka loo yaqaano Takfiirka ku lahaayeen xaafada Buundaweyn halkaas oo ay ku jireen dhalinyaro taabacsan Al Shabaab.

Guriga ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad marki ay dhalinyarada qaar isku dayeen in ay is difaacaan sida uu sheegay Colonel Isaq Cali Cabdulle oo warbaahinta la hadlay arrintaasi kadib.

Meydadka sadex ka mid ah dhalinyarada ayaa lasoo dhigay wadada dhinaceeda gaar ahaan xaafada Buundaweyn, waxaana marki danbe ehelada dhalinyarada loo ogolaaday in ay qaataan meydadka si loo aaso.

Dilalka ay ciidanka dowlada u geysanayaan dhalinyarada magaalada ayaa soo badanaya waxaana arintaan cabsi ka muujiyey dadka deegaanka, hase yeeshee saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in dadka la dilo ay yihiin dad qas ka waday magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.