Shan dhalinyara ah oo lagu dilay deegaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo

Shan ruux oo dhalinyara ah ayaa xalay lagu dilay deegaanka Faafxdhuun ee gobolka Gedo kuwaasi oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Dhalinyaradaan oo si weyn loogaga yaqaanay deegaanka ayey saraakiisha ciidamada dowlada ku sheegeen in ay ahaayeen rag miino ku aasayey wadada dhinaceeda.

Warfaa Sheekh Aadan oo ah afhayeenka ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanka ay rasaas ku fureen shanta ruux marki ay isku dayeen in ay baxsadaan kadib marki laga war helay howlaha ay faraha kula jireen.

Laakin dadka deegaanka ayaa ku eedeeyey ciidanka dowlada in ay si ula kac ah u dileen dhalinyarda.

Deegaanka Faafaxdhuun oo u dhaw degmada Baardheere ayaa waxaa horaanti bishaan qabsaday ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG kadib marki ay dagaal uga saareen Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.