Shalaanbood: 5 qof oo ku dhimatay Darbi kusoo dumay

00barakacWararka naga soo gaaraya degmada Shalaanbood, ayaa sheegaya in Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay , kaddib markii uu kusoo dumay darbi ay hoos-fadhiyeen gellinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd.

Guddoomiyaha degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in shantan qof ay ahaayeen dad waaweyn uuna si lama filaan ah darbigu ugu soo dumay, xilli ay harsanayeen.

“Shan qof ayaa ku dhintay deegaanka Shalaabood, waxaana kusoo dumay darbi ay hoostiisa fadhiyeen. Allaha u naxariisto, sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray hal qof oo haweeney ah, taasoo dhaawaceeda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri Yariisow.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in mid ka mid ah dhacdadaas ku dhintay loo qaaday magaalada Muqdisho oo ay waalidkiis joogeen, halka intii kalena isla shalay lagu aasay deegaanka Shalaanbood.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here