Shaki soo kala dhexgalay shacabka iyo doowlada kadib qaraxyadii Muqdisho…{Warbixin}

Hoonka tirada badan ee gaadiidka ka wada yeeraya, kala cararka iyo kala fogaanshaha gaadiidka doowlada iyo kuwa rayidka, shacabka lugeeynaya ee ay feejignaanta ka muuqato, Askarta gaadiidka saaran ee qoryaha keebka ku wada dhagan, iyo ilaalada xaruumaha gaarka loo leeyahay ee albaabada hortooda  qoryaha la taagan, intuba waa wax hada ka taagan Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka waaweyn, kuwaas oo laga dhaxlay weerarkii Isniintii lasoo dhaafay lagu qaaday dhismaha xaruunta Garsoorka gobolka Banaadir  ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale xirfada dagaal ee maalmahaan Muqdisho kusoo biirtay taaso ah gaadiidka lagu eryanayo gaadiidka kale ee qaraxyada lagu soo raro.

Majiro qof arintaan faa’iido ku qaba, waayo qof walbo Alloow ibixi ayuu wadada ku maraa masuul iyo shacab intaba.

Gaadiidleeyda ayaa si gaar ah u cabanaya iyagoo shegay in ka sokoow qatarta guud ee ay dadka la qabaan in iyaga ay u gaar tahay mushkilad nafeed iyo mid dhaqaale ama bur burinta gaadiidkooda oo ay kala kulmaan Ciidamada doowlada.

“Dhibka gaarka ah ee aan qabno waxa waaye maalin walbo liifka qoriga ayaa nagula garaacaa, waxaan aad u jeedid ee gaarigeyga ku yaala waa liif, Ciidamada doowlada waxay nagula dhaqmaan si islaam ka bax ah” sidaa waxaa ku cataabay mid kamid wadayaasha gawaarida Muqdisho.

Ciidanka oo ay ahayd in ay amaanka sugaan, ayaa hada iyaga ku mashquulsan ineey naftooda ka ilaaliyaan qaraxyada iyo weerarada.

Inkatoo baabuur walba oo magaalada Muqdisho ku socda uu isticmaalo sumadii ama taargada, hadana gaadiidka xumaan iyo samaanba waa look ala adeegsadaa taasna waa qayb kamid ah mushkilada, iyadoo Ciidanka ku shaqada leh ee taraafikada aaneey haysan hanaan xirfadeeysan oo ay arintan ku maareeyaan.

Isticmaalka wadooyinka Muqdisho, ayaa kala roon oo waxaa jira qaar ay gaadiidka sideey doonaan u isticmaalaan iyagoo cabsi badan iyo handadaad intaba lakumin, waase gaadiidka rayidka oo kaliya, halka dhibka ugu badan oo ka taaganyahay wadada Maka Al-mukarama, waxaana wadadaan si joogta ah u isticmaala madaxda doowlada Soomaaliya, Ciidamada AMISOM, iyo gaadiidka hay’adaha dalka ka howlgala.

“Saaxiib wadadaan Maka Al-mukarama aadeey u dhib badantahay, wadooyinka kalaa kafiican taan maahan mid uu Bl-ka ku shaqayn karo” sidaa waxaa leh mid kamid ah darawalada kahowl gala Muqdisho.

Gaadiidka aan la garan qofka wata, hadii inta jidka dhinaciisa lagu baakimo laga tago, hadana mudo kadib iska qarxa, waa Oodinta ugu badan ee ay dadka reer Muqdisho beryahan beryahaan lasoo gudboonaatay.

Dhacdo ka dhacday KM4:

Maalin maalmaha kamid ah, aya waxaa dhacday in wadada Maka Al-mukarama ay xirnaato saacado dhan 2 Saacadood, kadib markii la sheegay in gaari yar oo nuuca CARIB-ka loo yaqaano ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lasoo dhigay isgoyska KM4 gaar ahaan mesha baabuurta la dhigto ee kasoo horjeeda Al-xarameyn Stationary.

Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa isku gadaamay dhamaan wadooyinka soo gala KM4, iyagoo diiday in wax gaadiid ama dad weyne ah ay Isticmalaan halkaas, laakiin arinta layaabka lahayd ama qosolka lahayd ayaa ahayd, kadib markii uu yimid ninkii lahaa gaariga laga shakiyay, kaasoo hurdo kasoo kacay jiifayna Hotelka Amabasador.

Kadedka ka taagan kala shakiga Muqdisho xitaa waxa uu haystaa dadka lugeeynaya, qaarkood oo aan la sheekeystay dadkaas lugeeya ayaa ii sheegay in lugta ay haatan ka wanaagsantahay in gaadiid la raaco, waxaana qof walbo uu si taxadir leh ku maraa wadada.

Inkastoo Muqdisho, ay soo martay sanado murug iyo colaado ragaadiyeen, oo ay habeenada qaar madaafiicda sida roobka oo kale laysugu weydaarsan jiray, hadana shacabka Muqdisho 2dii sano ee lasoo dhaafay, waxay waxaasoo dhan ku iloobeen horumarka dhanka nabada iyo dib u dhiska daraha iyo Hotelada bilicda leh, sido kale wexay dhibaatadii soo martay ku hilmaameen wadooyinka waaweyn ee lagu xardhay nalalka cad ceeda qoraxda ku shaqeeya kuwaasoo habeenkii magaalada ka dhiga sida maalin oo kale

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here