Shacabkii ku noolaa Qandala oo gabi ahaanba qaxay

qandala-aaSiciid Maxamed Waaberi, oo ah Guddoomiyihii hore ee Qandala haatana ah xisaabiye katirsan wasaarada maaliyada Puntland oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA, ayaa sheegay in guud ahaan shacabkii ku noolaa Qandala ay isaga qaxeen degmadaas, kadib markii koox katirsan Daacishta Soomaaliya isbuucii lasoo dhaafay ay halkaas la wareegeen.

Siciid, ayaa sheegay in sababaha ay dadka u qaxeen ay tahay, kadib markii dhinaca Xeebta Qandala ay kusoo dhawaadeen Maraakiib dagaal sidoo kalena ay Diyaarada Dagaal magaalada dul heehaabayaan.

Halkan ka dhageyso wareysiga uu Siciid siiyay VOA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here