Shacabka Qardho oo Gubay Sanaadiiqdii Doorashooyinka+Sawiro & Faah-faahin

Shacabka magaalada Qardho ayaa maanta gubay Sanaadiikhdii Doorashada ee magaalada la keenay kadib dagaal saacado badan socday oo dhexmaray shacabka iyo ciidamadii waday Sanaadiikhda oo ka yimid magaalada Garowe.

Shacabka ayaa gacanta ku dhigay gaarigii ay saarnaayeen sanaadiikhda codbixinta, sida aad ku arki doontaan Sanaadiikhda ayaa ahaa kuwo horey looga soo buuxiyey waraaqaha cododka oo wada xiran, qaarna waxna kuma jirin, waxaana sanadiikhdan goob fagaare ah ku gubay shacabka.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah deegaannada gobolka Mudug ayaa maanta dab lagu qabadsiiyey tirooyin badan oo ka mid ah sanaatiikhda loogu talogalay in ay codkooda ku dhiibaan dadka isku-diiwaangaliyey codbixinta doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland loo qalqaalinayo.

Magaalda Galkacyo ayaa ka mid ah meelaha sanaatiikhdaas waxaana barxadda gobolka maanta lagu gumay tiro ka badan 20 santuukh oo kuwa codbixinta, kuwaasi oo la qabtay iyagoon gaarin goobihii loogu talogalay, waxaana weheliyey kumanaan waraaqaha codbixinta ah.

Barxadda gobolka ayaa hal mar waxaa soo bux dhafshey dadweyne ad ubadan kuwaaso isugu soo baxay si ay u arkaan saanadiikhdaa gubaneysa kuwaaso dab laqabasiiyey.

Sanaadikhda Gaalkacyo lugu gubey ayaa la sheegey inay ahaayen kuwo loowadey Buuhodle halkaaso lugu talagey in shacabku ay ku codeyaan sanaadiikhda.

Deegaanka Bursaalax ayaa iyana waxaa maanta lagu gumay sanaatiikh codbixinta loogu talogalay, sida qaar ka mid ah oo dadka deegaanka ahi ay noo xaqiijiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here