Shacabka Muqdisho oo Dowlada ka Codsaday inay Wax ka Qabato Madaafiicda Habeenki Lagu Garaaco Magaalada

Iyadoo Habeen hore Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Weerar madaafiic oo khasaaro geystay ayaa waxaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay Dowlada ugu baaqeen inay wax ka qabato Madaafiicda saqda dhexe lala dhaco Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Warta Nabada iyo Boondheere ayaa sheegay in dhowr habeen Madaafiic xoogan lala dhacay degmooyinkooda, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, waxayna laamaha amaanka ay ugu baaqeen inay baaritaano ku sameeyaan halka laga soo rido madaafiicdaasi.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa habeen hore hurdada kaga toosay madaafiic culus oo ku hoobaneysa qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna arintan ka muujiyeen wal wal balaaran.

Madaafiicda laga maqlo Muqdisho ayaa waxaa bartilmaameed u ah Aqalka Madaxtooyada, waxayna inta badan ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, sida weerarki habeen hore oo ay ku dhaawcmeen ilaa 3 caruur oo hal qoys ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here