Shacabka Mareeykanka oo dalbanaya in wax laga qabto Qaaca hawada lagu sii deeyo

Kumanaan shacabka Mareeykanka ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Washingyon DC, kuwaasoo madaxweyne Obama ka dalbanayay inuu oofiyo balamadii uu horay u qaaday oo ay kujirto xadeynta qaaca ay hawada sare kusii deeyaan warshadaha waaweyn ee dalkaas.

Sidoo kale dadkaan ayaa madaxweyne Obama ka dalbaday inuu mashruuc u sameeyo gaaska ay hawada sare kusii dayso shirkada “Kaiston” taasoo dhalisay dood balaaran kadib markii ay sumeysay hawada in kudhow 3,000mtr ama inta u dhaxeysa Canada iyo Texas.

Dadka isku soo baxay oo lagu qiyaasay 35,000 qof, ayaa waxaa kamid ahaa dad can ka ah bulshada Mareykanka, sida wariyayaal ka shaqeeya TV-yada iyo Actaro Caan ah.

Banaanbaxyadan oo ka dhacay in kabadan 30 gobol, ayaa halku dhiga waxa uu ahaa “Ilaali hawada”, waxaana la sheegay inuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee abid ka dhaca dalka Mareeykanka.

Dadkaan banaan baxayay ayaa ku dhawaaday aqalka cad ee Mareeykanka looga arimiyo, waxayna ku cel celinayeen in meesha laga saaro mashruuca “Kaiston”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here