Shabakado doonayay ineey si sharci darro ah uga dhoofaan Garoonka Muqdisho oo la qabtay

Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International
Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay tahriibka, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay shabakado doonaayay inay si sharcidaro ah uga dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in arintaan ay fududeysay nidaamka Garoonka Aadan Cadde oo la adkeeyay, markii la baaray Documentiyada ay ku dhoofayeen dadkaasina ay cadaatay inay been abuurt yihiin.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa qeexay dadkaasi inay gaarayeen ilaa labaatameeyo ruux oo rabay inay si aanan sharci aheyn dalka uga dhoofaan

Wasiirka amniga Gudaha waxa uu sheegay in shabakada Qaarkood lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shabakadaha Qaarkood lasoo qabtay Garoomada diyaaradaha maamul goboleedyada dalka.

Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shabakadaha la qabtay ay ahaayeen kuwa isku xiran , oo doonaayay in ay ku dhoofaan Baasabooro iyo sidoo kale Viisooyin been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here