Shabakada Al-qaacida ee geeska Afrika oo isku urursanaya Waqooyiga Puntland{Warbixin xiiso leh}

War bixin lagu qoray wargeeyska Daily Telegraph, ayaa lagu sheegay in mintidiinta Al-shabaab ee qaybta ka ah Al-qaacidada geeska Afrika ay hada isku urursanayaan buuraleeyda ku taal waqooyiga Soomaaliya, waxayna qorsheenayaan ineey weeraro ku qaadaan wadamada Kenya iyo Itoobiya oo iyaga ciidamo usoo diray gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab oo si rasmi ah ugu biiray sanadkii hore Al-qaacida, ayaa waxaa laga saaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah gobolada Soomaaliya, iyadoo ay sidaas jirto ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxdii ugu sareeysay Al-shabaab ay hada u guureen buuraleeyda waqooyiga Puntland ee “Gal-gala” oo iyada ka madax banana maamulka Puntland ee halkaas kataliya.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kal hore sheegay in howlgalada ciidamada midowga Afrika iyo kuwa doowlada ee mira dhalay ay sababeen in 11 kamid ah madaxda ugu sareeysa Al-shabaab ay usoo qaxeen dhinaca Puntland gaar ahaan “Gal-gala” iyadoona qaar kamid ah ragas ay ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigeen waxaana ku jiray madaxii ugu sareeyay Amniyaadka Al-shabaab ee uqaabilsana dilalka qorsheesan, sidokale waxaa la qabtay hub badanb iyo waxyaabaha qarxa.

Ragaas ay ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigeen waxaa kujira nin lagu magacaabo Abuu Xafsa, waana ninka u qaabilsanaa dilalka qorsheesan iyo madax jabiska, sidokale waxaa kamid ahaa nin isagana lagu magacaabo Xasan Tahliil, ninkan isagana waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca farsamada iyo Loojiistikada, waxaa kalo gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa sida jaakadaha laysku qarxiyo, miinooyin, banbooyin iyo qoryaha fud fudud.

Qabqabashada ragaan waxay daliil muuqata utahay sida ay Al-shabaab isugu urursanayaan dibana isugu soo habeeynayaa buuraha waqooyiga Puntland kadib markii ay kusoo jabeen dagaalka Koofurta o ay ugu danbeeysay magaalada Kismaayo oo xili u ahayd xudunta ugu weyn.

Xeebaha Puntland waa meel ay Al-shabaab u arkaan goob istiraatiiji ah maxaa yeelay waxay daris latahay wadanka yeman oo la aaminsanyahay inuu yahay hoyga ugu weyn ee Al-qaacidada jaziiratul Arab, ciidamada amaanka Puntland ayaa laba mar waxay gacanta ku dhigeen labo doonyood oo hub iyo waxyaabaha qarxaba uwaday Al-shababka ku dhuumaaleeysanaya buuraleeyda “Gal-gala”.

Wargeyska Daily Telegraph, ayaa sidookale qoray in doowlada Britain ay hada Puntland ku gacan siineyso sidii ay magaalada Garowe ee xarunta Puntland loga dhisi lahaa xaruun garsoor iyo xabsi weyn oo lagu xiro dagaalyahanada Al-shabaab iyo koxaha Purcad badeeda oo iyagana aan kadhib yareen dagaalka lagula jiro Al-shabaab, Britain waxay puntland sanad walbo siin doontaa sida warbixinta lagu xusay lacag gaareeysa £1.5 million.

Lacagtaan ayaa qayb ka noqon doonta in lagu dhiso xabsi weyn oo lagu xiro burcad-badeeda ay soo qabtaan doowladaha caalamiga ee kusugan badda Soomaaliya, waxaana lacagtaan Puntland loo soo marsiin doonaa hay’adaha QM.

Warbixintaan uu qoray wargeyska kasoo baxa wadanka Britain ayaa lagu sheegay in xabsigaan laga dhisi doono magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland lagu xiri doono Burcad-badeeda, iyo kuwa lagu soo qabto ineey kamidka yihiin kooxda la midoowday ururka caalamiga ah Al-qaacida ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here