Shabab oo ku dhawaaqay xeelado cusub

Kadib marki ay isaga baxeen deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho iyo Afgooye qudheeda ayey Al Shabaab sheegeen in aysan quusan isla markaana bilaabayaan dagaalo waji cusub leh.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay badalayaan qoshahoodii hore ee dagaalka, taasi oo uu sheegay in ay ku badalayaan xeelado cusub oo ay ku weerarayaan ciidamada isgarabsanaya.

Wuxuu sheegay in ay meelaha ay beegsan doonaan ay noqon doonto fariisimaha ay ka dhigteen ciidamada Amisom inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye iyo difaacyada ciidamada dowlada ee magaalada Muqdisho oo uu haatan ku sheegay in ay faaruq yihiin.

“Cadawga goobihi ay soo faarujiyeen ee Muqdisho culeys baan saari doonaa, hada waxaad ogtahay in ay ku taxanyihiin Muqdisho iyo Afgooye taasina waxay keeneysaa in aan si wanaasgan u naafeyno,” ayuu yiri Abu Muscab.

Al Shabaab ayaa loogaga itaal roonaaday dagaal sadex maalin socday oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Afgooye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.