Shabab oo guulo ka sheegtay qaraxyo iyo dagaalo ay shalay fuliyeen

Al Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen askar fara badan oo isugu jirta Soomaali iyo Itoobiyaan dagaalo iyo qaraxyo ay shalay ka fuliyeen saldhigyo kala duwan oo ku yaala dalka.

Afhayeenka Al Shabab, C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ku dileen qaraxi Baydhabo ka dhacay ilaa iyo afaar ruux oo sadex ka mid ahi ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugida dowlada KMG iyo askari Itoobiyaan ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Abu Muscab ayaa tilmaamay in dagaal ay shalay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Ceelshiil oo 8km u jiro degmada Ceelbeer ay ka qabsadeen Ahlu Sunna Waljamaaca, isaga oo intaasi raaciyey in ay ku dileen dagaalkaasi afar dagaalyahan oo ka tirsan Ahlu Sunna.

Dhanka kalana afahayeen u hadlay ciidanka dowlada ayaa beeniyey sheegashada Al Shabab, isaga oo sheegay in Baydhabo uu kaga dhintay hal askari halka Ahlu Sunna iyana ay sheegtay in Ceelshiil ay gacanta ku hayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.