Shabab iyo dowlada oo guulo ka kala sheegtay dagaalki Luuq

Saraakiisha Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xoog leh oo xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo bilowday fiidki ayaa gaaray xalay 4:00 fiidnimo iyadoo dadka magaalada ay la amakaageen madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaalamay.

Afhayeenka Al Shabaab ee dhinaca howlgalada Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka gaareen danihi ay ka lahaayeen isaga oo intaasi ku daray in ay ka dileen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ku dhawaad 20 askari.

Taliyaha ciidanka dowlada ee gobolka Gedo Siyaad Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ay iska caabiyeen waxa uu ugu yeeray kooxo qawaarij ah oo soo weeraray, isla markaana ay ka carareen meydadka afar dagaalyahan.

Dhanka kale hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 2 kale marki ay guryahooda ugu tagtay madaafiicda ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Xaalada degmada Luuq ayaa saakay dagan, waxaana hada gacanta ku haya goobti lagu dagaalamay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.