Shabaabka Shabeelaha Dhexe oo dad ku dilay munaasabad aroos

Laba ruux ayaa ku dhimatay lix kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki ay Al Shabaab xalay rasaas ooda uga qaadeen xaflad aroos oo ka dhaceysay deegaanka Ceel-Bacad oo ka tirsan degmada Ruunirgood ee gobolka Sh/dhexe.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa ka danbesay kadib marki ay Shabaabka ay si lama filaan ah u tageen goob ay martidi kasoo qeybgashay arooska ku ciyaraayeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay Shabaabka mamnuuceen.

Xamdi Cali oo ka mid aheyd dadki goobjooga u ahaa weerarki Shabaab ayaa sheegtay in ay ka war heleen dad ku qeylinaya  [Allahu Akbar] iyo rasaas daba socotay taasi oo ay sheegtay in ay galaafatay nolosha laba ruux.

Dadki dhaawaca ahaa ayaa afar ka mid ah loo soo qaaday magaalada Muqdisho halka laba kalana loo waayey gaari iyadoo laba kalana ay dhiig bax ugu dhinteen wax yar kadib sida ay goobjoogayaasha sheegayaan.

Xamdi ayaa intaasi raacisay in Al Shabaab ay xirteen arooska iyo aroosada iyo waalidiinta wiilka aroosayey iyaga oo ka dalbaday in ay bixiyaan lacagaha rasaasti ay ku dileen labada ruux iyo tii ay ku dhaawaceen lixda kale.

Falkaasi ayaa waxa aad uga xumaaday dadka ku nool degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa ku sifeeyey weerarkaasi ay ku qaadeen tuulada Ceelbacad mid ay ku reebayeen munkar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.