Shabaabka oo shaaciyey ninki isku qarxiyey agagaarka Madaxtooyo

Ururka Al Shabaab ayaa magacaabay ninki naftii huraha ahaa ee isku qarxiyey shalay albaabka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shababa, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qofka naftiisa dilay ee qaraxa fuliyey uu ahaa Xasan Cabdulqadir Cabdi (Muxsin).

Wiilkaasi is qarxiyey ayuu ku tilmaamay geesi naftiisa u huray kitaabka ALLE dartiis, waxana uu intaasi raaciyey in sababta ku kaliftayna ay tahay in uu u dulqaadan waayey Kibaatka Qur,aanka ah oo lagu xumeeyey meel ka mid ah caasimada.

Al Shabab waxa ay warkaasi ugu digeen madaxda dowlada oo ay sheegeen in aysan meelna uga baxsan doonin inta ay tabari ku jirto oo ay meel walba ku qarxinayaan.

Dhanka kalana taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidanka dowlada KMG Soomaaliya, C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in falkaasi is qarxinta uu u fududeeyey wiilka sameeyey nin ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyada oo la oran jiray Sheekh Cumar Weyne.

Sheekh Cumar Weyne iyo wiilka is qarxiyey ayaa laga celiyey in ay gudaha u galaan madaxtooyada, waxaase marki ay talo ku cakirantay wiilka yar uu go,aansaday inuu is qarxiyo horayna usii kaxeysto Cumar Weyne qudhiisa.

Mr Caanood ayaa ku sifeeyey Cumar Weyne nin horay uga soo goostay Al Shabaab oo ay ka go,neyd inuu mar un shar ku sameeyo umada Soomaaliyeed, balse isagu ay sharti la dagtay sida uu yiri.

Qaraxi madaxtooyada agteeda ka dhacay ayaa dhaliyey su,aal ay dadka oo dhani is weydiinayaan oo ah sida ay ugu suura gashay inuu canuga yar ku dhaafo laba jidgooyo oo ka sukeeysa xarunta madaxtooyada.

Shan ruux ayaa ku dhimatay qaraxi shalay halka 11 kalana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.