Shabaabka magaalada Jowhar oo boobay raashin yaalay isbitaalka Intersos

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maamulka halkaasi ka arrimiya ee Al Shabaab ay boob u geysteen isbitaalka ugu weyn ee Intersos.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jowhar oo ka gaabsaday in magacyadooda lasoo xigto ayaa noo xaqiijiyey in Al Shabaab ay shalay iyo maanta dal dalanayeen raashin keyd ahaa oo uu isbitaalka lahaa.

Raashinkan oo ahaa dhamaantiid buskudka nafaqeysan ee loogu tala galay caruurta ayaa waxaa baabuurta loo yaqaano Waaraadka ku raratay saraakiil ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo amar ku siiyey maamulka isbitaalka in ay soo wareejiyaan furaha maqaasiinka badarka ee isbitaalka.

Sida aanu wararka ku heleyno, Shabaabka Jowhar ayaa rartay ilaa iyo 2,000 oo kartoon oo ah buskutka nafaqeysan iyadoo halki kartoona ay ku jirto 150 xabo taasi oo ay ka faa,ideysan lahaayeen caruur ku noolaa gobolka.

Qaar ka mid ah ganacsayada suuqa badarka ee magaalada Jowhar ayaa u sheegay Midnimo.com in isla maanta ay ku arkeen buskutkaasi suuqa, waxaana lacagtiisa lagu qiyaasay in ay ku iibsadeen Al Shabaab $24,000.

Inkastoo oo ay qaateen raashinkaasi, hadana waxaa ka nabad galay oo aysan waxba u dhimin howlihi caadiga ahaa ee isbitaalka oo sidiisi caadiga ahaa u shaqeynaya.

Isbitaalka oo ay gacanta ku heyso hey’ad Talyaani ah oo lagu magacaabo Intersos ayaa ah kan ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu shaqeynayaa mudo 15 sana ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.