Shabaabka Jowhar oo xiray rag ay ku eedeeyeen jawaasiis

Maamulka Al Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa xiray shan nin oo ay ku eedeeyeen in ay si hoose ula shaqeynayeen dowlada KMG Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan dad qaraaba la ah raga la xiray oo ka gaabsaday magacyadooda, shanta ruux ayaa laba ka mid ah laga soo xiray deegaanka Biyo Cadde ooqiyaastii 60-km dhanka waqooyin bari kaga beegan magaalada Jowhar.

Laba kale waxaa laga qabtay gudaha Jowhar halka qofka shanaaadna laga soo xiray deegaanka Qalmoow oo dhanka koonfureed 55-km kaga beegan magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa dhaq dhaqaaq iyo cabsi ka jirtay tan iyo marki ay Al Shabaab ku lumiyeen gacanta dowlada iyo ciidanka Amisom degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.