Maxkamada Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Aadan Yabaale ayaa xukun adag ku riday Nin dhalinyaro ah , kadib marki uu kufsaday Gabar.
Maxkamada Alshabaab ayaa shaacisay inay Ninkan dhalinyarada ku heshay cadeymo ah in uu kufsaday gabadhan , waxaana Wiilka magaciisa lagu sheegay C/laahi Shuuriye Maxamuud , iyadoo maxkamada ay qarisay Magaca Gabadha la kufsaday.
Marki ay saacadu ahayd 4 tii Galabnimo ayaa waxaa fagaare weyn oo ku yaala Aadan Yabaale isugu yimid Boqolaal Dadweyna ah iyo Masuuliyiin ka tirsan Alshabaab , waxaana goobta Karbaash 100 ah lagu dhuftay Wiilka Dhalinyarada ah.
Wiilka Dhalinyarada ah ayaa sheegay in uu isaga kufsan gabadhan , balse ay tahay mid ay isla wataan gabadha iyo maxkmada Alshabaab , isagoo marna diiday inuu ka dambeeyay kufsiga Gabadhaasi.
Sidoo kale Maxkamada Alshabaab ayaa Ninka ka masaarufin deegaankiisa , maadaama uu sharciga qabo in Ninka Zineysta isaga oo aan guur soo marin uu leeyahay Karbaash iyo masaafurin , waxaana arintan ka hadlin masuuliyiinta Alshabaab.
Deegaanada ay gacanta ku hayaan Xoogaga Alshabaaba ayaa waxaa ka dhaca xukuno kala duwan sida Qisaas , Karbaash iyo Xajmin ama dhagax ku dilitaan , waxaana inta badan ay dhagax ku dileen gabdho aad u badan , kuwaasoo ay sheegeen inay Zineysteen iyagoo guur soo maray.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.