Shabaab oo sheegtay qaraxyadi shalay ka dhacay Muqdisho

Ururka AL Shabaab ayaa sheegtay qaraxyo kala duwan oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala eegtay ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Qaraxyada oo laba ka mid ah ahaayeen miino dhulka lagu aasay ayaa waxa ay ka kala dhaceen deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo baabuur ay la socdeen ciidanka AMISOM lagu qarxiyey iyo mid kale oo isna ka dhacay xaafada Gubta laguna beegsaday ciidamada dowlada.

Wuxuu sheegay in qaraxyadaasi ay ku dhinteen 7 askari oo shan ka mid ahi ahaayeen ciidamada AMISOM, sidoo kale qaraxyo bam gacmeed loo adeegsaday oo shalay lagu qaaday Bakaaraha ayuu sheegtay.

Dhanka kale Afhayeenka C/casiis Abu Muscab ayaa sheegtay in ay weeraro ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Taabta oo ay ka dileen ilaa iyo 5 askari, halka ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey deegaanka Warxoolo ay iyana dagaal kala hortageen sida uu hadalka u dhigay.

Shabaab waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan weerarada oo ay ku tilmaameen kuwo ay ku xanuunjinayaan cadawga sida ay dhowr jeer ku cel celiyeen.