Shabaab oo sheegtay dilalki ugu danbeeyey ee Muqdisho ka dhacay

Ururka Al Shabaab ee la midowday Al Qacida ayaa sheegtay mas,uuliyada dilalki iyo qaraxyadi laamihi lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Mudisho.

Gudoomiyihi hore ee Al Shabaab gobolka Banaadir xiligai ay ka talin jireen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abu C/raxman) ayaa sheegay in dilal qorsheysan oo ay ka fuliyeen caasimada dhawaan ay ku dileen ilaa iyo 15 sarkaal.

“Asbuuci ugu danbeeyey waxaa la dilay iyadoo muslimiinta loo aarayo in ka badan 15 nin kuwaasi waxay cadaw ku ahaayeen Muslimiinta, waxaa gacanta lagu soo dhigay nin ka mid ahaa nabadsugida kaasi oo xog badan nasiiyey, kuwa aan dilnay waxay u badnaayeen ciidanka PS-ta.” ayuu yiri.

Dilalki ugu danbeeyey waxay xalay Muqdisho loogu geystay laba sarkaal oo mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.