Shabaab oo sheegatay sarakaal xalay kismaayo lagu dilay

abuu-muscabWar qoraal ah oo lasoo dhigay Barta ay Al-shabaab ku leeyihiin Internetka, ayaa waxaa lagu sheegay in iyagu ay ka danbeeyeen dil xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Taliyihii Nabadsugida maamulka Jubba “Ciise Kambooni”

Sarkaalkaasi u hadlay Al Shabaab ayaa sheegay in rag iyaga dagaalyahankooda ka mid ah ay fuliyeen hawlgalka lagu dilay Ciise Kambaano, isagoo sheegay in hal askari oo ka mid ahaa ilaalada Ciise Kambooni ay soo qabteen isagoo nool.

Sida ay sheegeen dad ku sugan Kismaayo, sarkaalkan ugu sarreeyay amniga ee lagu magacaabi jiray Ciise Kambooni ayaa la weeraray xilli uu baabuurkiisa saarnaa uuna marayey gudaha magaalada, walow warar hore ay sheegayeen in dilka uu ka dhacay hoygiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here