Shabaab oo ku goodisay inay qaraxyo ka fulin doonto gudaha dalka Britain

Maleeshiyada Xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weeraro qaraxyo ka fulin doonto gudaha dalka Britain, kadib markii ay ku soo daabacday warbixin bogeeda Twitter-ka ah.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Britain inay hormuud u tahay dagaalka lagula jiro Islaamka, iyadoo shaacisay inay caqabad adag kala kulmi doonto.

Warbixinta ay soo dhigtay bogga Twitter-ka ayay ku sheegtay inay jawaab ka bixin doonto tallaabadii dhowaan ay Mareykanka ugu gacan gelisay wadaadka lagu magacaabo Abuu Xamza, iyadoo ay mar kale ku hanjabtay in qaraxyo la mid ah kuwii 7/7 ee sanadkii 2005-tii ku qaaday tareenada dhulka hoostiisa ka fulin doonto.

Kooxdan ku xiran Al-Qaacida ayaan carabaabin magaalada ay beegsaneyso, inkastoo hanjabaadan ay noqoneyso tii u horeysay ay u dirto dalka Britain.

Waxaa ay ku eedeysay Britain inay dhibaateyso dadka muslimiinta, ayna ka abaal marin doonto hagar-daamada ay ku wado muslimiinta sida lagu yiri warbixinta Twitter-ka la soo dhigay.

Weeraro qaraxyo lagu qaadya bishii Julay ee sanadkii 2007-dii tareenada dhulka hoostiisa mara ayaa waxaa ku dhintay ilaa 52-ruux, kaasoo ahaa weeraradii ugu xumaa abid lagu qaada magaalada London.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2010 weeraro qaraxyo ah ka fulisay magaalada Kampala ee dalka Uganda, weerarada ayay ku tilmaamtay inay ugu aar-guday xasuuqa ay geysteen ciidamada Uganda ee ka midka ah howl galka AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here