Shabaab Oo Isaga Baxay Buurhakaba Iyo Ciidamada Doowlada Kaabiga Ku Haya

Wararka ka’imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan halkaas, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabab ay xalay saqdii dhexe isaga baxeen degmadaas, mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka saraakiisha Al-shabaab.

Al-shabaab oo mudo kabadan 3 sano ka talinayay degmada Buurhakaba, ayaa isaga baxay halkaas kadib markii ay dareemeen iney kusoo wajahanyihiin Ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa doowlada iyo AMISOM kuwaasoo gadaal soo mariyay dhamaan degmooyinka iyo magaalooyinka Shabeelada Hoose oo daris la ah gobolka Baay.

Degmada Buurhaka ayaa ah goob istiraatiiji ah oo hadii ay Ciidamada doowlada iyo kuwa AMSIOM qabsadaan u suurtagali doona ineey maamulaan isku xirka gobolada Shabeelada Hoose, Baay iyo Banaadir.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here