Shabaab oo dilay askar Kenyan ah oo kasoo dhumay xerada Ceel-cade

Meydadka ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka Ceel-cade
Meydadka ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka Ceel-cade

Dadkadeegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Shabaabka dhulka miyiga ah ee Degmada Ceelcadde ku dhaw ay ku dileen Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, xilli la sheegay in ciidankaan ay haboowsanaayeen.

Afartaan Askari ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen guri ay leeyihiin Dad reer miyi ah oo ku yaallo dhulka howdka ah ee Ceelcadde, kadibna waxaa halkaasi ugu tagay Shabaabka oo helay macluumaadka ciidankaasi.

Shabaab ayaa waxa ay halkaasi ku dileen Afartii Askari iyo sidoo kale Odaygii reerka soo dhaweynta u sameeyay ciidamadaasi.

Dadka Deegaanka waxa ay sheegayaan in dhulka Duurka ah ay ku jiraan ciidamo kale oo Kenyan ah oo haboow ah, kuwaasi oo aanan garaneyn meel ay aadaan.

Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday howlgal lagu baadigoobaayo Askartaasi maqan, kaasi oo isugu jira mid cirka ah iyo mid dhulka ah intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here