Shabaab oo dagaal kula wareegay Ceelbarde

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in saakay ay halkaasi la wareegeen kooxda Al Shabaab kadib dagaal xoogan oo halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka dowlada.

Shabaab ayaa weerar gaatin ah saakay ku qaaday degmada oo ka mid ah deegaanada xadka la leh dalka Itoobiya, iyadoo sida wararku ay sheegayaan uu dagaalka ahaa mid socday mudo ka badan laba saacadood.

Waxaa jira qasaaro nafeed oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, balse wali lama oga, sidoo kalana ma jirto cid warbaahinta uga hadashay dagaalkaasi.

Al Shabaab ayaa inkastoo oo ay qabsadeen Ceelbarde hadana dhawaan waayey caasimada gobolka Bakool ee Xudur oo ay haatan ku suganyihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Shabaab ayaa sanadki hore ku dhawaaqay in ay dagaalkoodi u badaleen weeraro ku dhifoo ka dhaqaaqa ah oo ay ku sheegeen in ay ku wiiqayaan awooda ciidamada kasoo horjeeda.

Bilooyinki lasoo dhaafay waxay gacanta ciidamada Itoobiya, Amisom iyo kuwa dowlada KMG ku lumiyeen magaalooyin muhiim ah sida Baydhabo, Xudur iyo magaalada Ceelbuur.