Shabaab oo caawa weerar ku qaaday duleedka Kaaraan


Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Amisom iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah ayaa xaligaan ka soconayo duleedka degmada Kaaraan.

Dagaalka oo bilowday wixi ka danbeeyey 9:30 fiidnimo ee caawa ayaa ka socda halka loo yaqaano Sarta Habar Gaalo, Burka Diikoow iyo agagaarka isbitaalka Keeysaneey.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yara ka xoog badanyahay kuwi habeenadi lasoo dhaafay ka dhacayey degmada duleedka Kaaraan.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa adeegsanaya madaafiicda culus, halka Shabaabna ay dhanka degmada Kaaraan kusoo tuurayaan madaafiic.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wali si aad ah loogaga maqlayaa dhanka sarta Habar Gaalo.

Dagaalkan ayaa ka mid ah weerarada ku dhifo oo ka dhaqaaqda ah ee ay Al Shabaab ku qaadaan fariisimada ciidamada dowlada iyo Amisom ku leeyihiin duleedyada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.