Shabaab oo caawa weerar culus ku qaaday degmada Luuq

Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weeraray fariisin ay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo bilowday wixi ka danbeeyey 8:00 fiidnimo ee caawa ayaa la sheegay inuu ka dhacay bar koontarool oo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin halka laga soo galo Luuq, wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale ay goobtaasi ku suganyihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Saraakiisha Al Shabaab ee dhanka howlgalada ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen ilaa iyo 11 askari oo isugu jira ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Laakin xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada, isaga oo intaasi ku daray in ay dib u riixeen kooxihi soo weeraray.

Degmada Luuq ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xooganyihiin ciidamada dowlada, waxaana jooga ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.