Shabaab iyo doowlada oo ku dagaalamay Bali-Doogle

1959572_675175332521435_701961884_nDagaal hubka waaweyn leesku adeegsaday, ayaa habeenimadii xalay ahayd waxa uu ruxay deegaanka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka gadaal markii ay Shabaabku soo qaadeen.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee deggan Xaruntii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Balli-doogle, ayaa waxay xalay Shabaabku kala kulmeen weerar saf ballaarnaa, inkastoo muddo kadib ay dib u riixeen.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa dagaal hubka cul culus loo adeegsaday waxa uu dhex maray Xoogaga Shabaab.

Dagaalka, ayaa muddo laba saacadood ku dhow ka soconaayay deegaanka Balli-doogle, waxayna dadka deegaanka ku sheegeen noociisii ugu xooganaa, oo muddooyinkaan dambe ka dhaca halkaasi.

Weerarkaan, ayaa waxaa lagu soo beegay xilli muddooyinkaan ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka soconayeen deegaanka Balli-doogle, iyadoo la qorsheynaayay in lagu qaado qaybaha ay Shabaabku ka jooggaan Gobolka.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee weerarkaan ka dhashay, sidoo kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Amisom, Dowladda iyo Ururka Al Shabaab.

Xigasho:Universal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here