Shabaab iyo Ahlu Sunna oo ku dagaalamay deegaanka Webxo

Dagaalo xoogan ayaa xalay ku dhexmaray deegaanka Webxo ee duleedka magaalada Ceelbuur xoogaga Al Shabaab iyo Ahlu Sunna oo ay ka dhaxeyso colaad weyn oo ku saleysan xaga diinta.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ay Ahlu Sunna ku lahaayeen Wabxo, halkaas oo labada dhinac ay isku fara saareen.

Labada dhinac dagaaladaasi guulo ayey ka sheegteen, afhayeen u hadlay Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan Ahlu Suna, waxa kale ay sheegteen in ay qabsadeen Wabxo.

Dhanka Ahlu Sunna waa ay beeniyeen warkaasi, waxaana ay ku adkeysteen in ay wali maamulayaan Wabxa oo ah deegaan cidi qbsataa muhiim u ah una dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.