Shaaha oo kamid noqday Cabitaanada dunida loogu jecelyahay

Dadka ku dhaqan wadamada Yurub, waxay aad u cabaan Shaaha waqtiyada qaboobaha, waxaana xusid mudan in halkii qof oo Jarmal ah sanadkii uu cabo 26 litir oo shaah ah.

Dadka reer Yurub ayaa ku waasha cabista shaaha waqtiyada qaboowga, waxaana maalinkii qof walbo uu cabaa 4 ilaa 6 koob oo shaah ah.

Jariirada “Al-riyadh” ee kasoo baxda wadanka Sacuudiga ayaa daabacday, in dadka ku nool wadanka Jarmalka uu qofkiiba cabo 26ltr oo shaah ah maalinkii, taasoo muujineysa in reer galbeedka ay yihiin dad hada aad u xiiseeya cabsita shaaha.

Shaaha ayaa ah Cabitaanka loogu cabis badanyahay Caalamka, marka laga yimaado biyaha, Shaaha ayaa leh faa’iidooyin badan oo dhanka Caafimaadka ah, marka layaab malahan in shirkado badan oo waaweyn ay ku tartamaan soo saarista waxyaabaha lagu daro shaaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here